Dhaqtarka gaarka ee Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Donald Trump uusan haatan laga bilaabo xanuunka COVDI-19 u sii gudbin karayn dadka kale.
Dr Sean Colney ayaa qoraal uu soo saaray markii u horraysay tan iyo Khamiistii kaga warbixiyay xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Trump oo uu hayo COVID-19.
Warbixinta dhaqtarka ayaa lagu sheegay in baaritaannadii ugu dambeeyay ay muujinayeen in madaxweynaha uu ka sii yaranaayo xanuunka COVID-19.
Dhaqtarku ma sheegin in Madaxweyne Trump uu gebi ahaanba ka bogsaday xanuunka balse wuxu tilmaamay in uu ka yaraaday.
Galinkii hore ee Sabtida ayuu madaxweynaha khudbad ka hor jeediyay taageeraayaalkiisa isagoo ku sugan Aqalka Cad.
Waxaa jiray walaac isa soo tarayay oo ahaa iney weli jirto khatarta ah in Trump uu fayraska coronau gudbinkaro dadka kale.
PUNTLAND POST