Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaritaano Amni lagu samaynayo

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in baaritaanno dhanka Amniga ah iyo dib u diiwaan-gelin lagu samayn doono dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska sii-haya Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Saddiiq Xirsi Warfaa, ayaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalaha dowladda la marin doono baaritaanno Amni oo lala yeelan doono wareysi, islamarkaan dib u diiwaan-gelin lagu samayn doono, si loo hubiyo bed-qabka Amni ee shaqaalaha iyo xarumaha dowladda.

Qoraalka oo ku taariikhaysan saddexdii bishan October, waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in baaritaanka ay samayn doonto hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka ee NISA, waxaana shaqaalaha laga codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adda.

Hoos ka akhriso Qoraalka Wasaaradda

PUNTLAND POST