Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo xalay shir ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, oo uu weheliyo  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa xalay mar kale shir ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Muqdisho.

Shirka waxa ka qayb-galay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana looga hadlay dhismaha Guddiga Doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo sidoo kale magacaabidda Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Jaangoynta Wakhtiga Doorashada.

Shirka ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii labada Aqalka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen Heshiiskii lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada Dalka, kaas oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST