
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay hoyga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan waxaa looga hadlay arrimo la xariira xaaladda Siyaasadeed ee dalku marayo iyo doorashada soo socota..
Madaxweynaha Jubaland ayaa kulamo gaar-gaar ah ka wada Magaalada Muqdisho waxaana uu horay ula kulmay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
PUNTLAND POST