Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, oo Xalay Shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa isku raacay in Ajendayaasha Golaha horyaalaa la dedajiyo, ka hor mudo xileedka golaha.
Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in dhammaan sharciyada yaalana goluhu ay ka doodaan oo la kordhiyo waqtiga shaqada ee Golaha.
Xoghaha Golaha Shacabka Cabdikarim Xaaji Buux ayaa sheegay in laga wada hadlay dadajinta arrima ay kamid yihiin Dib u-eegista Dastuurka
Golaah Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda dood ka yeeshaan Arrimaha Doorashada inkastoo aan la ogayn Go’aanka ay ka qaadan doonaan.
PUNTLAND POST