Golaha Shacabka oo la sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Xukuumadda Khayre

Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in haatan Kalsoonida kala laabteen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre.

Kulanka oo ku bilowday buuq iyo sawaxan ayaa Guddoonka Golaha Shacabku kaga dhawaaqay in Kalsoonidii lagala laabtay Xukuumadda kadib markii ay mooshin ka keeneen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka.

Guddoonka ayaa sheegay in 170 mudane ay Kalsoonida kala laabteen Xukuumadda balse waxa go’aankaasi Sharci-darro ku tilmaamay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda sidoo kalena ku jira xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xarunta Golaha waxaa hadda ka aloosan buuq iyo jaah wareer kadib markii halkaas looga dhawaaqay in Xildhibaanada Baarlamanka ay Kalsoonidii ka qaadeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST