Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dib u helay xorriyaddiisa

Weriye  Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta dib u helay xorryadiisa kadib markii uu mudda sannad ah u xirnaa maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu cafis u fidiyay Wariye Coldoon.

Somaliland ayaa horay xukun ugu riday Coldoon ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu kasoo horjeedda Qaranimada Somaliland.

Bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo Hay’addaha Xuquuqul Aadanaha ayaa ka codsaday in Madaxweynaha Somaliland uu Cafis u fidiyo Coldoon taas oo ugu dambayn hirgashay.

PUNTLAND POST