Kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya oo maanta furmaya

Kalfadhiga Mudanayaasha Baarlamaanka dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa sida qorshaysan maanta oo Sabtiya ka furmaya Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna lagu wadaa in uu Khudbaddiisa Dastuuriga ah ka jeediyo Kalfadhiga islamarkaana uu kaga hadlo Arrima kala duwan.

Sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka  ayaa lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga Baarlamanka.

Kalfadhigaas ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Baarlamanka Soomaaliya marka loo eego mudda-xileedkooda rasmiga ah oo ku eg bisha December ee sannadkan.

PUNTLAND POST