Guddiga ka hortaga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ee Puntland, ayaa ku amray Laamaha Amniga Puntland in ay hubiyaan dhaqangalka dhammaan Awaamiirtii xukuumadda Puntland soo rogtay si looga hortago faafidda COVID-19.
Guddiga ayaa Laamaha Amniga si gaar ah ugu amray in ay hubiyaan dhaqan-gelinta Awaamiirta ku saabsan isu-socodka xuduudaha iyo soo gelinta Qaadka kuwaasi oo la sheegay in aysan weli si buuxda u dhaqan-gelin.
Go’aanka guddiga ayaa ku soo beegmay xilli wasiirka warfaafinta Puntland uu horay u xaqiijiyay in uusan dhaqan-gelin Amarkii Puntland ku soo rogtay xuduudka dhanka Somaliland islamarkaana weli ay gaadiidka si caadiya isaga socdaan.
Sidoo kale Qaadka ayaa weli si qarsoodiya u soo gela gudaha Puntland kadib markii laga keeno dhinaca dalka Ethiopia isaga oo laga soo daaabulo degmada Gallaadi ee gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida DDS.
PUNTLAND POST