
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo madaxwayne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa aqalka madaxtooyada Garoowe ku qaabilay, Wefdi uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo looga warbixiyay Kulanka, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni iyo Danjire James Swan, ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.
“ Waxay wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan uu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada dhanwalba leh ee ay siiso dowladda Puntland.






PUNTLAND POST