Safiirka Maraykanka oo war ka soo saaray doorashada Galmudug

Safiirka dowladda Mareykanaka  u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa xalay war ka soo saaray doorashada madaxtinimada Galmudug oo sida qorshaysan saacdaha soo socda ka dhacaysa magaalada Dhuusaamreeb.

Mr. Yamamoto oo Qoraal ah kooban soo dhigay  boggiisa Twitter-ka  ayaa sheegay in uu Isha ku hayo Arrimaha doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug.

Safiirka ayaa ku baaqay in qof kasta oo ay khusayso  doorahada Galmudug uu ka fogaado fowdo iyo rabshado dhaca, isla markana waxaa uu la dalbaday in laga wada qeyb qaato wada-hadallada nabadeed ee socda.

 “Waxaan uga baaqeynaa qof kasta inuu ka fogaado halista rabshado, islamarkaana lasii wado in laga qeyb qaato wada-hadallo nabadeed” ayaa lagu yiri Donald Yamamoto

Doorashada maanta ka dhacaysa Dhuusamareeb waxaa ka soo horjeeda qaar kamid ah Musharaxiinta Galmudug Xaaf iyo Ahlusunna oo maalmo ka hor madaxweyne u doortay Sheikh Shaakir.

PUNTLAND POST