
Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Fowsiyo Maxamed Shiikh, ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda Boqortooyada dalka Marooko Abdelkader Amara, waxaan ay ka wada hadleen in Iskaashi Laba geesood ah ay ka yeeshaan maamulka iyo maareynta khyeyraadka Biyaha ee Labada Waddan.
Wakaaladda SOONA, ayaa ku warrantay in Labda Wasiir ay ku heshiiyeen in la dhiso Guddi Farsamo oo ka arrimiya sidii Soomaliya looga taageeri lahaa, xirfadaha aqoonta la xiriirta horumarinta Biyaha , ilaalinta aaggaga dhowrsoon iyo sidii loo joogteyn lahaa Biyaha.
Sidoo kale, waxay Wasiirradu ka wada hadleen sidii Soomaliya looga taageeri lahaa qalabka fududeeya maareynta Biyaha, sida yaraynta fatahaadaha iyo ka faa’iideysiga Biyaha Roobka.
Wasiirka Wasaardda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh, ayaa intaas ka dib booqatay goobo ay dowladda Marooko ka fulisay mashaariic lagu horumarinayay isticmaalka Biyaha oo ay ka mid yihiin Biya-xireenno.
Biyo xireennada ay Wasiiradda iyo wafdigeedu booqdeen ayaa ahaa kuwo ay dowladda Marooko u isticmaasho Koronto dhalin, waraabinta Beeraha, Biyo gelinta Magaalooyinka iyo arrimo kale kale.
PUNTLAND POST