Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa xalay shir guddoomiyay kulan ku saabsanaa Amniga Muqdisho oo lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir.
Kulanka oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimayaasha waaxyaha ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka la magic baxay Bulsho Bile oo ah barnaamij cusub oo loogu tala galay is dhex galka bulshada, nabadda iyo dhiira gelinta hal abuurka..
Waxaa kaloo shirka looga hadlay dardargelinta amniga magaalada Muqdisho iyo nadaafadda xaafadaha kala duwan oo muddooyinkii u dambeeyay Maamulka gobolka Banaadir oo xoogga saarayey .
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa sidoo kale warbixino ka dhegaystay mas’uuliyiinta maamulka degmooyinka isagoo kula dardaarmay inay dardargeliyana ka shaqeynta horumarinta iyo Amniga Muqdisho.
PUNTLAND POST