
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbaahintu su’aal ka weydiisay sababta uu u saxiixi waayay, fulinta xukunkii dilka ahaa lagu riday, saddexdii nin ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aaden.
Madaxweynaha oo su’aashaasi ka jawaabaya, ayaa sheegay in saddexda maxkamadood ee Derejada kowaad, Rafcaanka iyo Maxkamadda Sare ee qaaday Kiiskii Caa’isha, ay dhammaantood isku raaceen hal xukun, taasi oo sida uu tilmaamay muujinaysa in xukunkoodu si caddaalad ah u dhacay.
Deni ayaa sidoo kale sheegay, in fulinta xukunnada ay ridaan Maxkamadaha Puntland, aysan wax door ah uga furneyn madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, balse ay go’aanka kama dambaysta ah ka gaarto Maxkamadda sare ee Puntland.
Wuxuu sheegay, in xukuumaddu aysan marnaba fara-geli karin arrimaha Garsoorka, sidaasi darteedna aysan meelna ka soo gelin xukunnada ay ridaan Maxkamadaha, kuwaasi oo sida uu xusay ku dhammaada go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda sare ka gaarto.
Hoos ka daawo jawaabtiisa
PUNTLAND POST