Puntland oo gogol wada-hadal u fidisay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka

Shirkii Garoowe ee fashilmay

Dowladda Puntland ayaa soo jeedisay, in ay wada-hadal isu’gu yimaadan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si loo xalliyo muranka iyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay ka hadlayay sannad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay doorashadiisi 8- January 2019, ayaa ku baaqay in xukuumadda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalku ay shir isu’gu yimaadan, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira.

Deni ayaa sheegay, in Puntland ay diyaar u tahay, in ay marti-geliso shir weyne Wada-tashi ah oo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, ay kaga wada-hadlaan, kagana tashadaan arrimaha muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xusay in arrimaha u baahan in laga wada-hadlo ay kamid yihiin; doorashada madaxtinimada dowladda Federaalka ee 2020/2021-da, dhammaystirka Dastuurka KMG ah, qeybsiga Khayraadka iyo deeqaha Caalamiga ah.

Madaxweyne Deni, ayaa caddeeyay in xataa haddii meel kale lagu qabanayo, ay Puntland mar walba diyaar u tahay ka qeyb-galka shirkaasi, si ay kaalinteed u qaadato.

PUNTLAND POST