
Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta u fariisatay gar-maqalka dacwad loo haysto shan oday oo dowladda Puntland ku xirtay magaalada Boosaaso, kadib markii ay xukuumadda ku dhaliileen Heshiisyo Maalgeshi oo ay kula jirto shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.
Odayaasha oo magacyadoodu kala yihiin Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Aadan Maxamed, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble,Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo) iyo Siyaasi Muuse Cali Jaamac ayaa mudda bil ah lagu hayay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.
Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay dacwadda Xeer ilaalinta oo odayaasha ku eedaysay kicin-dadweyne iyo difaaca Qareennada u doodaya, waxay go’aamisay in mar kale kiiska loo fariisto maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda.
PUNTLAND POST