Wararkii ugu dambeeyay ee Puntland Post ka helayso qaraxii xalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in khasaaaraha ka dhashay uu gaarayo 5 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca 50 qof oo kale.
Mas’uuliyiinta Caafimaadka Galmudug, ayaa xaqiijiyay in dhimashadu ay tahay hal askari iyo 4 qof oo shacab ah, halka dhaawacuna gaarayo in ka badan 50 ruux oo la kala geeyay isbtitaallada koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo.
Qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari saaruf ah ah, ayaa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir wax yar uun kadib markii ay ka baxeen hoteelka Five Star ee koonfurta Gaalkacyo.
Qaraxa ismiidaaminta ah oo la doonayay in lagu dhufto gaariga Taliyaha, ayaa ku qarxay gaarigii ka horreeyay kan Taliyaha, waana ka badbaaday Taliyaha oo la rabay in lagu khaarajiyo, inkastoo waxyeello ka soo gaartay ciidankiisa.
Malayshiyaadka Al-shabaab sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ismiidaaminta ah ee lagu weeraray Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidankiisa.
PUNTLAND POST