Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukun ku ridday 60-jir lagu helay Shabaabnimo

Maxkamadda Derejada kowaad ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa Saaka 10 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Axmed Cali Aybakar oo sida Maxkamaddu sheegtay lagu helay in uu ka tirsanyahay Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Axmed  Al-shabaab u qaabilsanaa, in uu gurya uga kireeyo  magaalada Muqdisho iyo in uu  kuwooda xanuunsan uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho, ilaa inta ay ka bogsanayaan. 

Maxkamadda ayaa u akhrisay Axmed Cali Aybakar eedaymaha loo haysto ee ah, kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa xanaaneynta bukaannada Alshabaab kuwooda dhaawaca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, islamarkaana uu gurya uga kirayn jiray gudaha magaalada Muqdisho.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha Cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo la siman 60-ka.

ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa weydiistay Maxkamadda in bulshada ninkaasi laga qariyo, maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda.

Sidoo kale, Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay.

Maxkamadda ayaa dambeyn go’aamisay, in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u akhriyay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

PUNTLAND POST