Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ).
Safiirka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an taageeridda dadaalladan, isla markaana ay hubinayso hirgelintooda, si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.
Amb. Yamamoto, waxa uu sheegay in Maraykanku bogaadinayo gorgortamayaasha howsha adag qabtay, si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay, kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirta hawlaha midaysan ee la’dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.
Danjiraha ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in Maraykanku aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga xildhibaannada Baarlamanka, isago xusay in ay dhiirigelinayaan hirgelinta heshiiskaasi.
Mr. Yamamoto sidoo kale wuxuu xaqiijiyay, in Safaaradda Mareykanka ay ka go’antahay, fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.
Halkaan riix si aad u akhrisatid qoraalka oo dhan
PUNTLAND POST