Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa ugu dambeyntii soo afjaray hawlgalkii hoteelka SYL ee Muqdisho oo fiidnimadi xalay ay weerareen koox hubaysan oo ka tirsan Al Shabab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmiya u shaacisay in la soo afjaray hawlgalkaasi, islamarkaana la dilay dhammaan kooxdii hoteelka weerartay oo ka koobnaa shan nin.
Af-hayeenka dowladda Ismaaciil Mukhtaar Cumar, ayaa sheegay in sidoo kale ay dhinteen 5 qof oo ay ku jiraan laba ruux oo shacab ah iyo saddex ka mid ah askarti howlgalka badbaadada fulisay.
Sidoo kale, waxaa halkaasi laga soo badbaadiyay in ku dhow 100 ruux oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ku go’doomay gudaha hoteelka.
Laba ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa la sheegay in dhaawacyo ka soo gaareen weerarka, halka laba ka tirsan Baarlamanka Puntland-na laga soo badbaadiyay.
Ururka Al-shabaab oo hore laba jeer u weeraray hoteelkan SYL, ayaa mar kale sheegtay mas’uuliyadda weerarkii xalay.
PUNTLAND POST