Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Hehsiis is- Afgarad ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Ankara  wadahadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Labada wasiir arrimo dibadeed, ay  ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir uu yahay mid ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, isdhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.

PUNTLAND POST