Ugu yaraan 29 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, dhul go’ ka dhashay roobab mahiiggaana oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay degaanka West Pokot ee galbeedka waddanka Kenya.
Dhul go’an oo si daran u saameeyay tuulooyinka Nyarkulian iyo Parua ee hoostaga degaanka West Pokot, ayaa lagu soo warramayaa in ay sabab u ahaayeen daadad xooggan oo ku soo rogmaday degaanka, kadib roobab mahiiggaana oo halkaasi ka da’ay.
Mas’uuliyiinta dowladda Kenya, ayaa laga soo xigtay in daadadku ay jareen waddooyinka gala tuulooyinkaas, islamarkaana hal buundo oo degaankaasi ku taallay ay gebi ahaanba burburtay.
Madaxweyne dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehelada dhammaan dadkii ku dhintay musiibadaas.
Mr Kenyatta, ayaa sheegay in burbur weyn oo dhinaca hantida iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah uu ku yimid deegaankaas, waxa uuna ciidammada qalabka sida iyo howlwadeennada samata-bixinta ku amray inay goobta tagaan oo ay dadka caawiyaan.
PUNTLAND POST