Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray xarumaha Wasaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, ganacsiga, Beeraha iyo xanaanada Xoolaha.
Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hannaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaradaha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay ku leeyihiin tubaha Qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha oo Wasaaradaha uu kormeeray ugu tagey howl-wadeenno ku jira shaqooyinka dowladda, ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo,Wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu ku dhiirri geliyay howl-wadeennada Qaranka in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta Nidaamka dowladnimo ee dalka.
PUNTLAND POST