Warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in malayshiyaadka Al-shabaab ay isaga baxeen degaanno ka tirsan koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa ka baxay degaannada Deeqlo iyo Maraale oo hoosyimaada degmada Xarardheere, kadib markii cabsi xoogan ay kasoo wajahday dhanka Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgallo ka wada halkaasi.
Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa ka soo xigatay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda in malayshiyaadka Al-shabaab ay ka carareen degaannada hoostaga Xarardheere, kadib markii ciidamada Federaalka iyo saaxibadood todobaadkii la soo dhaafay ay duqeyn ka geysteen dhulkaasi.
Wakaaladda ayaa sheegtay, in ciidanka dowladdu ay halkaasi ka wadaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga saarayo degmada Xarardheere iyo tuulooyinka hoosyimaada ee dhaca koonfurta gobolka Mudug.
PUNTLAND POST