
Hoggaamiyaha garabka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland (Somalia), ayaa wacad ku maray in uu daacad u noqon doono hoggaanka cusub ee loo magacaabay ururka Daacish, kadib markii la dilay Abu Bakar Al-Baghdadi.
Garabka Daacish ee Soomaaliya, ayaa barta internet-ka ee Telegram ku baahiyay sawirka hoggaamiyahooda, Abdulqaadir Mumin oo geed hoostiis fadhiya, islamarkaana ay weheliyaan xubno ka tirsan kooxda.
Qoraal kooban oo la soo raaciyay sawirka, ayaa Abdulqaadir Mumin ku ballan-qaadayaa in uu daacad u noqon doono hoggaamiyaha cusub ee urur weynaha Daacish, Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurashi.
Hoggaanka cusub ee Daacish ayaa la magacaabay, kadib markii ciidamada Maraykanku ay 26-kii bishii tagtay ee October hawlgal qorshaysan ku dileen hoggaamiyihii hore ee ururkaasi Abu Bakar Al-Baghdadi.
PUNTLAND POST