Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay qeybta Booliiska gobolka Sanaag.
Xeer-madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr-77 soona baxay xalay ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Sanaag loogu magacaabay G/dhexe Bashiir Cali Maxamed.
Sarkaalkan ayaa ka hor inta xilka loo magacaabin isla xalay loo dallacsiiyay derejada Gaashaanle dhexe.
Dikreetada magacaabista
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-77 Oktoobar 05, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo.
Wuxuu Xeeriyey
1. Waxaa L/X/Le Bashiir Cali Maxamed loo dalacsiiyey
derajada G/dhexe
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
PUNTLAND POST