Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP, Maxamed Daahir Caynsane oo hadda warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo yeeray wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo ahaa in ay isa soo diiwaan-geliyaan dhammaan suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqada diiwaan-gelinta suxufiyiinta iyo xarumaha Warbaahinta Puntland uu leeyahay Guddiga sare ee warbaahinta Puntland, balse aysan lahayn wasaaradda warfaafinta, waxaana uu soo bandhigay Xeerka Warbaahinta Puntland oo faahfaahinaya arrimahaasi.
Mudane Caynsane ayaa sheegay in wasiirku inta seexday iska soo toosay isagoo aan akhrin xeerka warbaahinta Puntland waxaana guddoomiyuhu warbaahinta ku amray in aysan dheg jalaq u siin hadalka wasiirka.
Halkaan ka daawo hadalka guddoomiyaha
PUNTLAND POST