Dowladda Puntland oo shuruud adag hor-dhigtay Warbaahinta Madaxa-bannaan

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay shuruud adag oo la hor-dhigayo suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland.

Wasiirka ayaa amar ku bixiyay in dhammaan suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland ay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda warfaafinta ka hor 15 bisha soo socota ee October waxaana uu tilmaamay in aan suxufi loo aqoonsan doonin qofkii aan is diiwaa-gelin wakhtigaasi ka hor.

Mudane Sabareey ayaa sidoo kale amray in ay is diiwaan-geliyaan dhammaan xarumaha warbaahineed ee ka hawlgala degaannada Puntland si loola socdo shaqada ay ka hayaan gudaha Puntland.

Wuxuu sheegay in kadib markii la diiwaan-geliyo suxufiyiinta iyo xarumah warbaahineed baaritaan lagu samayn doono aqoonta iyo khibradda suxufiyiinta islamarkaana aqoonsiga lagala noqon doono suxufigii aan haysan xirfad ku filan.

Puntland post