Warbixin: Natiijada Imtixaanka 8-aadka Puntland oo faahfaahsan

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, ayaa Khamiista maanta shaacisay Natiijada Imtixaanka fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi xassan Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee caasimadda Garoowe, ayaa faahfaahiyay Natiijada Imtixaanka, waxaana sida uu sheegay Imtixaanka u fariistay 10,011 arday oo ka kooban 5966 wiil iyo 4045 gabdhood.

Imtixaanka waxaa ku gudbay, 9516 arday oo isugu jira 5691 wiil iyo 3825 gabdhood, waxaana ku dhacay 417 arday oo isugu jira 239 wiil iyo 178 gabdhood, halka aysan Imtixaanka gelin oo maqnaayeen 78 arday oo kala ah 36 wiil iyo 42 gabdhood.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay soo bandhigtay 10-ka arday ee kaalmaha sare ka galay Imtixaanka, waxaana kaalinta kowaad galay arday lagu magacaabo Shucayb Xassan Cali oo ka socday dugsiga Girible ee gobolka Bari, isagoo ku gudbay cel-celis dhan %97 boqolkiiba.

Kaalinta labaad waxaa gashay Ikraan Maxamed Xassan oo ka socotay dugsiga Daarul-Birri Boosaaso ee isla gobolka Bari oo ku gudubtay cel-celis dhan %96.5 boqolkiiba.

Hoos ka daawo shirkiisa jaraa’id oo dhammaystiran iyo Shaxanka Natiijada

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan ciise Cumar