Al-shabaab oo goob fagaare ah dad ku laayay

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose ku toogtay afar ruux oo ay saddex kamid ah ku eedeeyeen in ay u shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Kenya halka mid afraad ay ku sheegeen in uu gogol-dhaaf sameeyay.

Sulaymaan Maxamed Siciid oo da’diisu ahayd 21 sano jir ayaa sida Alshabaab sheegtay ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliya qeybta ka hawlgasha magaalada Muqdisho waxaase Al-shabaab ku soo qabteen weerar ay ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Yariisow Baaf Cismaan (Maye) oo da’diisu ahayd 68 sano jir ayaa isna sida Al-shabaab sheegtay ka tirsanaa maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Baay waxaana ay ku eedeeyeen in uu hawlo muhiim ah u hayay ciidamada dowladda Ethiopia ee ku sugan gobolkaasi Baay.

Iqra Cabdi Aadan da’deedu ahayd 20 sano jir ayaa sidoo kale Al-shabaab ku eedeeyeen in ay ka tirsaneyd Sirdoonka dowladda Kenya u jooga magaalada Mandheera ee qaabilsan la’socodka dhaqdhaqaaqa xubnaha Al-shabaab ee ka hawlgala gudaha dalka Kenya.

Dhinaca kale isla fagaaraha lagu toogtay saddexdaasi ruux ayaa waxaa la keenay nin ay Shabaab ku eedeeyeen in uu gogol-dhaaf sameeyay isagoo guur soo maray waxaana ninka oo ay magaciisa ku sheegeen Nuur Bakar Diirow ay ku dileen dhagax (Rajmi).

PUNTLAND POST