Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dadka degaanka iyo maleeshiyaadka Alshabaab ayaa la sheegaya in uu ka dhacay degaanno u dhexeeya degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee Gobolka Hiiraan.
Wakaaladda SONNA ayaa sheegtay in Dagaalka uu bilowday kadib markii maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab ay dadka xool-dhaqatada ah ee ku nool dhulkaasi ku amreen in ay xoolo keenaan balse ay fuliyaan dalabka Al-shabaab.
Xoola-dhatada degaanka oo hubaysan ayaa sida wakaaladdu sheegtay waxay malayshiyaadka Al-shabaab ka dileen ugu yaraan 5 dagaallame oo saraakiil ku jirto kadib dagaal culus oo labada dhinac dhex maray.
Ha’yeeshee SONNA kama aysan hadlin khasaaraha gaaray dadka xoola-dhaqatada ah ee Al-shabaab la dagaallamay sidoo kalena ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay khasaaraha halkaasi ka dhashay.
Al-shabaab ayaan dhankooda weli wax war ah ka soo saarin dagaalka ka dhacay gobolka Hiiraan iyo khasaaraha ka dhashay midna.
PUNTLAND POST