Guddoomiyihii maxkamadda sare ee dowladda Puntland Yusuf Xaaji Nuur, ayaa ku geeriyooday Dalka Turkiga, halkaasi oo xaalad caafimaad loo geeyay.
Dr. Yuusuf Xaaji Nuur, ayaa xilkan hayay mudda ku dhow saddex sano, kadib markii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali u magacaabay 16 August 2016.
Sidoo kale ,wuxu isla xilkan soo qabtay sannadkii 1998, xilligaasi oo ku beegan markii la aas’aasay dowladda Puntland, Waxaana lagu xasuustaa in uu sannadkii 2001 ahaa ku simaha madaxweynaha Puntland, kadib khilaafkii maamul ee ka dhacay Puntland.
PUNTLAND POST