Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ee ku sugan gobolka Jubada hoose oo iskaashanaya ayaa hawlgal wadajir ah ku qabtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa sheegay in hawlgalka oo ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada hoose ay ku qabteen Ibraahim Lujende Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa xog raadinta iyo sahanka.
Sarkaalka la qabtay ayaa ciidamadu sheegeen in uu ka tirsanaa jabhadaha wax weerara ee Al-shabaab islamarkaana uu ka qeyb-galay weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ee degaanka Ceel-cadde sannadkii 2015.
Ururka Al-shabaab ayaan dhankooda weli ka hadlin sarkaalka la sheegayo in laga qabtay.
PUNTLAND POST