Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha debadda dalka Serbia, Ivica Dacic ayaa Arbacadii safar aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi Serbia.
Mr. Dacic ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo laba-geesood ah kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabudllaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre iyo wasiirka arrimaha debadda, Axmed Ciise Cawad sida ay qortay warbaahinta.
Kulankaasi ayaa looga hadlay, soo celinta xiriirka walaalnimo ee soojireenka ah iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshan labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Mr. Dacic u xaqiijiyay in Soomaaliya aysan marnaba taageeri doonin dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan goonni isu’taag iyo aqoonsi-raadis ka hor-imaanaya xeerarka caalamiga ah.
Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka laaban doonto go’aankii xukuumaddii Sheikh Shariif Sheikh Axmed ay dal madax-bannaan ugu aqoonsatay dalka Kosovo sannadkii 2010-kii.
Kosovo waa waddan yar oo ka go’ay dalka Serbia 17-kii Febraayo 2008, kadib halgan dheer oo ay xornimada u galeen dadka gobolkaasi oo 90% ay muslimiin yihiin.
Dowladda Maraykanka iyo in ka badan 70 waddan oo kale ayaa wakhtigaasi dal madax-bannaan u aqoonsaday Kosovo, balse waxaan weli aqoonsan Ruushka iyo dalal kale, taasi oo ka hor-taagan Kosovo in ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay.
Dalka Serbia laftiisa ayaan Kosovo u aqoonsan waddan madax-bannaan waxaana ay ku tilmaaman gobol kamid ah dhulkooda.
Halkaan ka akhriso iyadoo English ah
PUNTLAND POST