Maamulka cusub ee shirkadda Nuwaco oo xilka la wareegay

GAROWE munaasabad saaka ka dhacdey xarunta Shirkadda Biyaha Nuwaco waxaa xilalka kula kala wareegay Maamulihii horre ee Shirkadda Dr Cabdirasaq Osmaan iyo maamulaha cusub ee Shirkadda Axmed Abshir Surato (Bakuuke).

Qaar ka mid ah masuuliyiinta guddiga board-ka Shirkadda iyo dhamaan shaqaalaha shirkadda ayaa goob joog u ahaa munaasabada labada masuul ay saaka xilalka kula kala wareegeen.

Cabdinuur Gaaddayare oo ah Gudoomiye kuxigeenka shirkadda ahna kusimaha gudoomiyaha ayaa uga mahadceliyay maamulihii horre 11 sano oo uu si habsami leh uga soo shaqeeyay hawlaha shirkadda bilow illaa heerka maanta ay mareyso shirkadda NUWACO.

Dr Cabdirasaq Cismaan maamulihii horre Shirkadda NUWACO ayaa kula balamay shaqaalaha Shirkadda,maamulaha cusub inay ula shaqeeyaan si ka fiican sidey isaga ula soo shaqeeyeen muddo ka badan 10 sano.

Maamullaha cusub ee Shirkadda Axmed Abshir (Bakuuke) oo hadal kooban madasha ka jeediyay ayaa sheegay qorshayaal horumarin oo ay ku sameyn doonaan adeega shirkadda islamarkaana kula balamay shaqaalaha iyo masuuliyiinta shirkadda balantoodu inay tahay SHAQO.

DHAMMAAD