Puntland oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah kooxaha Al-takfiir

Wasiirka Caddaalada Cawil Sheikh Xaamud

Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay la dagaaallamayso firqa-diimeedka lagu magacaabo, Al-takfiir oo la sheegay in ay ku sii faafayaan degaannada Puntland.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo saaka hadal ka jeediyay, fagaare ku yaalla Garoowe oo salad roob-doon ah lagu tukaday, ayaa sheegay in gudaha Puntland ay ku sii faafayaan kooxo aaminsan fikirka Al-takfiir (gaalaysiin), isagoo ku dhawaaqay in Puntland la’dagaallamayso kooxahaasi.

Xaamud ayaa sheegay in kooxaha Takfiirku ay Puntland ka wadaan, caqiido maroorsan oo lagu fasahaadinayo umadda, waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin firqad xun oo khatar ku ah caqiiqada iyo qiyamka bulshada, haddii aan lala dagaallamin sida uu hadalka u dhigay.

Takfiirku waa arrin haatan Puntland ku faafaysa runtii, waxaan damacsannahay in aan arrintaas takfiirka laga hortago, waxaan ka hor istaagaynaa in ay masaajiddo ama xarumo yeeshaan, waxaan la dagaallamaynaa in aan joojinno fasahaadkooda. Takfiirku waa firqad xun waana fasahaad” ayuu yiri Xaamud.

Firqada loo yaqaan Gaalaysiiyaal (Al-takfiir) ayaa xarumo iyo masaajid ku leh gudaha Puntland gaar ahaanna magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso halkaasi oo la sheegayo in ay ku sii faafayaan sannadihii u dambeeyay.

PUNTLAND POST