
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa agaasime guud u magacaabay wasaaradda Degaanka Beeraha iyo Isbeddelka cimilada Puntland, kadib markii uu dhowaan mideeyay labadii wasaaradood ee Degaanka iyo Beeraha oo awal laba agaasime lahaa.
Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) oo hore u ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa agaasime guud looga dhigay, kadib markii la mideeyay labadii wasaaradood, waxaana meesha laga saaray, Axmed Cabdi Cali Shire (Kayse) oo ahaa agaasimaha wasaaradda Beeraha ee hadda lagu daray Degaanka, sida ku cad dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan April 5, 2019.
Sidoo kale, kadib markii la mideeyay labada wasaaradood, ayaa waaxda maamulka iyo maaliyadda loo magacaabay Faarax Maxille Jaamac oo hore u ahaa agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda wasaaradda Degaanka, waxaana meesha laga saaray agaasimihii waaxda maamulka iyo maaliyadda wasaaraddii Beeraha ee la midoowday Degaanka, Maxaamed Abshir Jaamac.
Halkaan ka akhriso

PUNTLAND POST