Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ay shalay gadoodeen ciidamada Somaliland ee ku sugan halkaasi.
Cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland ee jooga Tukaraq ayaa la sheegay in ay shalay subax ka baxeen fariisimahooda jiidda kadib markii ay taliyaashooda ku eedeeyeen in ay hor-taagan yihiin tallaabo laga qaado jabhadda xoraynta SSC oo weerarro is-xigay ku qaadday Somaliland.
Ciidamada ayaa sida la sheegay dalbanaya in jawaab laga bixiyo weerarrada jabhadda SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug kadib dagaalkii habeen ka hor dhexmaray labada dhinac oo aan weli si rasmiya khasaarihiisa la ogaan.
Balse taliyaha ciidamada Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani ayaa diiday in wax jawaab ah la bixiyo waxaana uu ciidamada u sheegay in haddii weerar lagu qaado jabhadda SSC ay ka dhalanayso xiisad qabiil ku salaysan oo aan la xakameyn karin.
Wararku waxay intaas raacinayaan in gadoodkii shalay kadib ciidamada lagu qanciyay in ay ku laabtan fariisimahooda halkaasi oo isla shalay galab ay ku soo laabteen.
Ha’yeeshee sida aan xogta ku helnay weli waxaa taagan guuxa ciidamada oo qaarkood dalbanaya in tallaabo la qaado ama la beddelo qaar kamid ah taliyaasha guutooyinka.
PUNTLAND POST