Xukuumadda cusub ee Puntland ayaa markii u horraysay shaacisay in ay jiraan shaqaale ka tirsan dowladda loo xiray arrima la xiriira musuq maasuq.
Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Xassan Shire Cabdi ayaa maanta magaalada Boosaaso ka sheegay in ay jiraan shaqaale ka tirsan wasaaraddiisa oo loo xiray musuq maasuq isagoo xusay in maxkamad la horgeyn doono dadkaasi ku eedaysan musuq maasuqa.
Ha’yeeshee Wasiirka ayaan faahfaahin tirada shaqaalaha loo haysto musuq maasuqa iyo xarumaha ay ka hawl-gelayeen marka laga reebo in uu ku sheegay shaqaale ka tirsan wasaaradda Maaliyadda.
Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari Yuusuf Qixiye Ciise ayaa warbaahintu ka soo xigatay in la xiray madaxii kastamka Canshuuraha degmadaasi Qandala kadib markii sida uu sheegay musuq maasuq lagu soo eedeeyay.
PUNTLAND POST