Golaha degaanka caasimadda Garoowe ayaa maanta ku dhawaaqay in goobaha faras-magaalah ee ku yaalla Garoowe laga mamnuucay ganacsiga Qaadka.
Qoraal ka soo baxay golaha degaanka ayaa lagu wargeliyay ganacsatada Qaadka in aysan ku qeybin Karin gudaha magaalada, islamarkaana wax qaad ah lagu iibin Karin goobaha faras-magaalah ee ku yaalla caasimadda Garoowe.
“Goluhu wuxuu mamnuucay Qaadka in aanan lagu qeybin Karin magaalada gudaheeda, sidoo kalena aanan lagu gadi Karin goobaha faras-magaalada ah” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray golaha degaanka Garoowe.
Sidoo kale golaha ayaa go’aamiyay in la raro kantaroolada magaalada inkastoo aan qoraalka lagu xusin halka loo rarayo kantaroolladaasi.
“Goluhu wuxuu go’aamiyay in iyadoo aan dib u dhac lahayn la raro kantaroollada magaalada oo la geeyo mid kasta meesha ku habboon” ayuu sii raaciyay qoraalka.
PUNTLAND POST