Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka safarkiisi u horreeyay tan iyo markii la doortay ugu baxay waddanka Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta dalkaasi iyo madax ka tirsan shirkadda DP world ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso.
Mudane Deni iyo mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa ka wada-hadli doona arrima ku saabsan taageerada Imaaraadku siiyo Puntland ee dhinacyada amniga kaalmada banii’aadanimada iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fuliyo Puntland. Faahfaahinta halkaan ka eeg
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmi doona jaaliyadda reer Puntland ee ku sugan waddanka Imaaaraadka Carabta oo uu kala hadli doono sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka ka socda dalka.
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa la filyaa in uu dalkaasi uga sii gudbo waddanka Shiinaha oo uu kala soo hadli doono mashaariic la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha oo shirkado Shiineys ah ka hir gelin doona gudaha Puntland.
PUNTLAND POST