Xukuumadda Puntland ayaa iclaamisay salaad roob-doon guud ah oo Ilaahay looga tuugayo raxmaadkiis iyadoo abaaro baahsan laga soo sheegayo guud ahaan degaannada Puntland.
Qoraal ka soo baxay shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ayaa lagu sheegay in xukuumaddu iclaamisay roob-doon guud oo loo asteeyay 11-ka bishan April ee ku beegan Khamiista todobaadka soo socda.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in shirka warbixin looga dhegaystay guddiga gurmadka abaaraha Puntland islamarkaana la go’aamiyay in la dardar-geliyo dadaallada lagu maareynayo aafada abaaraha ka jira Puntland.
Halkan hoose ka eeg

PUNTLAND POST