Dowladda Puntland oo dib u celisay muhaajiriin Ethiopian ah

Dowladda Puntland ayaa maanta dalkooda dib ugu celisay 43 muhaajiriin ah oo u dhashay waddanka Ethiopia.

Muhaajiriinta ayaa sida la sheegay iskood isu diiwaan-geliyay waxaana ay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo kaashanaysa hay’adda muhaajiriinta adduunka ee IOM ayaa dadkan ka dhoofisay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso.

Dowladda Puntland ayaa wadda qorshe dib loogu celinayo muhaajiriinta Ethiopian-ka ah oo u badan qowmiyadda Oromada inkastoo dhinaca kale uu weli socdo qul-qulka soogalootiga Oromada ee Puntland.

PUNTLAND POST