
Duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Yaasiin Cabdisamad Cumar ayaa ku amray dhammaan goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kale ee magaalada, in Af-soomaaliga ay u isticmaalan xayeysiinta boorarkooda.
Qoraal wargelin ah ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha, ayaa lagu amray goobaha kala duwan ee ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kaleba, in Af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayeysiinta xarumaha iyo cinwaanadooda.
“Si looga hor-tago in uu dabar-go’ afkeenna hooyo ee Soomaaliga, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo cid kasta oo albaab u furanyahay, in af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayaysiinta ee goobtu leedahay, lana siiyo muhiimada kowaad ee cinwaanka goobta” ayaa lagu yiri qoraalka. 
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar