Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Qandala ay shacabka digniin ku siisay in aysan wax hub ah qaadan karin.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Daacish ay hanjabaad u dirtay shacabka ku dhaqan tuulooyinka hoosyimaada degmada Qandala islamarkaana ay ku wargelisay in qofkii hub lagu qabto tallaabo adag laga qaadayo.
Sidoo kale Daacish ayaa baaritaano ku bilowday gaadiidka ay leeyihiin dhacabku ee rakaabka iyo badeecadaha sida waxaana ay su’aalo badan weydiinayan rakaabka sida uu sheegay qof kamid ah dadka dhibaatadan la kumay oo magaciisa qariyay.
Malayshiyaadka Daacish ayaa la sheegayaa in ay haatan ka cabsi qabaan in kooxo ka tirsan Al-shabaab ay ku soo dhex milmaan shacabka tuulooyinka kadibna uu ku furmo dagaal gudaha ah.
Dagaallo is xig-xigay ayaa Al-shabaab iyo Daacish ku dhexmaray buuraleyda dhinaca koonfureed ka xigta degmada Qandala ee gobolka Bari kadib markii Al-shabaab duullan ku qaadday degaannadaasi.
PUNTLAND POST