Faah Faahin: 6 Odoyaal Dhaqameed oo lagu dilay duleedka Muqdisho

faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso 6-ruux oo dableey hubeeysan ay ku dileen duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi oo dhaca duleedka Muqdisho kadib markii dadkaasi oo gaari saarnaa lagala dagay kadibna la dilay.

Dadkaasi la dilaya ayaa waxa ay ka yimaadeen degmada Wanla-weyn ee gobolka Sh/hoose.

Masuuliyiinta Gobolka Sh/hoose oo aan la xariirnay ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu falkaasi u dhacay waxaana Puntland Post uga waramay Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Sh/hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadkaasi aana qabiil loogu dilay islamarkaasina ay wadaan baaritaano arintaasi la xariirta.

Hoos ka dhageeyso Codka waxaa wareeystay Wariye Xasan Maxamed Samatar Cowke oo katirsan PP.