wasaaradda Dastuurka Puntland oo tababar u furtay shaqaalaheeda

Wasaaradda dastuurka dowladda Puntland ayaa tababar ku saabsan maamulka,maaliyadda iyo xisaabaadka u furtay 30 kamid ah shaqaalaheeda,si kor loogu qaado habsami-usocodka iyo horumarinta shaqada wasaaradda.

Tababarkan oo socon doona mudda laba maalmood ah ayaa waxaa iska’kaashanaya wasaaradda Dastuurka dowladda Puntland iyo hay’adda UNDP,sida uu sheegay agaasime Yuusuf Saalax oo ka warbixiyay.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wasaaraddu tababarro u qabanayso dhammaan shaqaalaha wasaaradda ee ku sugan gobolada,si loo tayeeyo xirfadooda  ku aaddan maamulka iyo maaliyadda,islamarkaana is-beddel la taaban karo loogu sameeyo horumarinta shaqada wasaaradda.

Dhinaca kale agaasime Yuusuf Saalax ayaa shaqaalaha tababarka qaadanaya ku boorriyay in ay ka faa’idaystaan cashaarrada ku saabsan horumarinta maamulka ee ay ku qaadanayan tababarkaan oo qeyb ka ah dadaalka tayaynta shaqaalaha ee ay waddo wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federaalka iyo Dimuqoraaddiyeynta Puntland.

Waa tababarkii labaad ee wasaaraddu shaqaalaheeda siiso mudda todobaad gudihiis ah,iyadoo maalmo ka hor tababar ku saabsan wacyi-gelinta Dastuurka u qabatay  shaqaalaha.

PUNTLAND POST