Cali Gacal Casir oo Xildhibaano katirsan baarlamaanka Gal-Mudug ay sheegeen in xilka ka qaadeen xilkii gudoomiyaha baarlamaanka Gal-Mudug islamarkaasina doorasho shalay ka dhacday Dhuusamareeb lagu doortay gudoomiye cusub ayaa ka hadlay sida uu arko gudoomiyaha la doortay.
Cali Gacal Casiir ayaa gaashaanka u daruuray doorashadaasi isaga oo sheegay in uu isaga yahay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Gal-Mudug doorashadii ka dhacdayna Dhuusamareeb in ay tahay mid sharci daro ah.
Cali Gacal ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorshaha doorashada Madaxweynaha maamulka Gal-Mudug xili ay kal hore sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Axmed Ducaale Gelle Xaaf madaxweynaha Gal-Mudug.
Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafaadka u dhaxeeya madaxda maamulka Gal-Mudug oo dhamaantood sheegay in ay xilalka iska qaadeen iyaga oo fariisimo ka sameeytay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado oo katirsan Gobolka Gal-gaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post