Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun ku riday eedeeysanayaal ay sheegtay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab.

Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa maanta maxkamada ka soo hormuuqday kuwaasi oo ka tirsan amniyaadka Al-shabaab.

Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa labadaan nin ka soo qabtay degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta-nabadda ee Muqdisho.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo
Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana
Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan  sida uu xukunka ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Hoos ka Daaawo Sawirada eedeeysanayaasha

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho