Gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa kula kulmay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.
Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay wada shaqeeyn dhexmarta aqalka sare iyo Qaramada Midoobay.
Nicholas Haysom ayaa balan qaaday in uu si dhow u la shaqeeyn doono Xubnaha aqalka sare ee dalka.
Nicholas Haysom oo ah ergeyga cusub ee Qaramada midoobay u qaabilsanaan doono arimaha Soomaaliya ayaa badalaya ergeygii hore ee Qaramada midoobay arimaha Soomaaliya Micheal keating.
Hoos ka daawo sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho